Dalka Talyaaniga waxaa ka socda dibad-baxyo xooggan oo rabshado wata, kuwaas oo looga soo hor-jeedo koru-kaca maciishadda iyo adeegyadii dowladdu ay u qaban lahayd bulshada oo noqday kuwo aad u liita.
Booliska magaalada Milan ee dalka Talyaaniga ayaa Axaddii waxay isku dhaceen dibadbaxayaal dhagxaan tuurayay, isla markaana bililiqaysanayay dukaamo ganacsi, xilli ay socdeen bannaanbaxyo xooggan oo looga cabanayay kor u kaca qiimaha nolosha.
Bannaanbaxyadan ayaa dhacay maalin kaddib markii rabshado la mid ah laga soo sheegay magaalooyin dhowr ah oo Talyaaniga ku yaalla.
Booliska oo adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa iyo gaadiidka biyaha looga hor-tago dibadbaxayaasha, kaddib markii dhowr boqol oo mudaharadaaydaal wejiyada qarsaday ay jabsadeen dukaamada qaar isla markaana meelo ka mida faras magaalaha ay gubeen.
Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in in ka badan 60 dibadbaxayaal ah gacanta lagu dhigay, loona qaaday saldhigga booliska si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo.
Wakaaladda wararka ee Ansa ayaa iyadu sheegtay, in boolisku magaalada Milano oo ku taalla waqooyiga Talyaaniga ay tan iyo Sabtidii xabsiyada ku gureen in ka badan 200 oo qof.
Warbixin boolis oo la soo saaray Axaddii ayaa lagu sheegay in guud ahaan 28 dibadbaxayaal ah la xiray, kaddib isku dhacyo la mid ah oo Sabtidii ka dhacay magaalooyin ku yaalla waqooyiga Talyaaniga, oo ay ka mid yihiin Milan, Bologna, Brescia, Bergamo iyo Turin.
Duqa magaalada Milan, Giuseppe Sala, ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay "daaqadaha dukaamada oo la jebiyay, dukaamo la dhacay iyo muwaadiniin cabsi ku jira”.
"Waxa halkan ka dhacay waa wax aan ku arkayno magaalooyin badan oo dunida ku yaalla,” ayuu u sheegay wakaaladda Ansa.
"Aad ayaan uga walaacsanahay, sababtoo ah waa dhacdo cusub oo sidoo kale salka ku haysa xaalad caalami ah, sidaas darteedna iskeed ayay u sii hurinaysaa,” ayuu yiri.
Rabshadahan ayaa la mid noqday kuwii ka dhacay dalka deriska la ah ee Faransiiska, halkaas oo boqollaal kun oo qof oo ka careysnaa kor-u-kaca qiimaha nolosha iyo hoos u dhaca adeegyada bulshada ay Sabtidii isugu soo baxeen waddooyinka.
Dibadbaxyadaasi waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu rabshadaha badnaa ee dalkaas ka dhaca sannadihii u dambeeyay.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, oo sannadka soo socda wajahaysa doorasho, ayaa cambaareysay rabshadaha, waxayna ku dhawaaqday in maanta oo Isniin ah la qaban doono kulan ay dowladdu kaga arrinsanayso sidii wax looga qaban lahaa xaaladda.
